![]() |
calaamadaha furuqa daaneerka
badanaa waxaa lagu arki karaa calaamadahaan soo socda
- xumad
- madax xanuun
- murqa xanuun
- dhabar xanun
- qanjira xanuun
- qarqaryo
- daal
- finan
finanka ayaa inta badan ka bilowda wajiga kadibna ku faafa qeybaha kale ee jirka, gaar ahaan calaacalaha gacmaha iyo cagta cad. wuxuu soo maraa heerar kala duwan oo is badbadal ahka hor inta uusan qofka ka dhamaan.
sidee la iskugu gudbuyaa xanuunkaan?
cdurkaan waxa uu dadka ku dhacaa marka uu xiriir dhaw layeesho qofka xayawaan ama qof qaba xanuunka. tan waxaa kamid ah taabashada dareerayaasha jirka, dhibca neefsashda, ama walxaha kasoo baxa finanka. waxaa kale oo lagu kala qaadaa taabashada walxaha wassaqaysan, sida gogosha ama dharka. gudbinta qof-ka qofku waxay ku timaadaa xiriir fool ka fool ah oo dheer, taabashada tooska ah ee dareeraha jirka, ama taabashada aan tooska ahayn ee walxaha wasakhaysan.
mudada xanaanaynta
xiliga caabuqa ( waqtiga caabuqa ilaa calaamadaha ) ee cudurkaan badanaa waa 7 ilaa 14 maalmood lakiin wuxuu u dhexeeyaa 5 ilaa 21 maalmood.
daaweynta iyo ka hortaga
ma jirto daaweyn gaar a oo loogu talagalay furuqa daanyeerka. si kastaba ha ahaatee astaamahu waxay inta badan iskood ugu baaba,aan 2ilaa 4 isbuuc gudahood. daryeel in loo sameeyo qofka sida fluid management iyo daaweynta heerka labaad ee bacteeriyada ayaa
muhiim ah. talaalka furuqa ayaa la ogyahay inuu siiyo qofka xoogaa ka horta u ah monkeypox, iyo daawooyinka fayraska sida tecovirimat (TPOXXO) ayaa laga yaabaa in loo isticmaalo xaaladaha daran.xaaladihii ugu danbeeyay
waxaa bartamaha sanadka 2024 so baxay kiisas cusub oo ku fidaya dunida oo meelo badana laga soo sheegay kiisas cusub iyo calaamada cudurkaaan.
hasanadihii lasoo dhaafay, waxaa kordhay kiisaska xanuunkaan ee ka baxsan afrika, gaar ahaan 2022, markaasoo koox kiisas ah laga so sheegay dalal dhowr ah, oo ay ku jiiraan yurub iyo waqooyiga ameerika. tani waxay keentay in la kordhiyo wacyiga caafimaadka bulshada iyo horumarinta xeeladaha tallaalka si loo xakameeyo cudurada dilaaca.
jawaabta caafimaadka dadweynaha
si looga jawaabo faafitaanka cudurka, mas`uuliyiinta caafimaadku waxay xooga saarayaan muhiimada ay leedahay in goor hore la ogaado, karaantiilka dadka qaba, raadinta dadka ay xiriirka lasameeyeen, iyo talaalka dadka khatarta sare leh. ololayaasha caafimaadka dadweynaha ayaa sidoo kale diirada saaraya in dadka laga wacyi galiyo khatarta iyo siaabaha lagu dhimi karo gudbinta, gaar ahaan meelaha uusan farayska caadi ahaan ku fidin.
https://goodir20.blogspot.com/2024/08/waa-maxay-nafaqo-xumo.html
No comments:
Post a Comment