sanboorka waa xaalad caafimaad oo laxiriirta dareenka xasaasiyadda ee qofka marka uu la kulmo sanboor ama boor.
sanboorka waxaa sidoo kale loo yaqaanaa (dust allergy), waa xaalad caafimaad oo ku timaada marka nidaamka difaaca jirka ee qofku si xad-dhaaf ah ugu jawaabo sanboorka ama boorka ku jira hawada. sanboorka waxa uu ka koobanyahay qeybo yar yar oo ka mid ah wasakhda hawada sida urta dhirta, haraaga cayayaanka ama xayawaanada, wasakhda, iyo bakeeriyada.
CALAAMADAHA ANUUNKA SANBOORKA
calaamadaha ugu caasan ee xanuunka sanboorka waxaa ka mid ah:
- hindhiso badan oo joogto ah
- sanka oo dareero badan ka yimaado
- sanka oo cuncun iyo xanuun joogto ah leh
- cune anuun
- indho cuncun iyo indho casaan
- neef qabatin iyo culeys la dareemo xilliga neefsashada, gaar ahaan dadka qaba neefta (asthma)
SABABAHA KEENA XANUUNKA SANBOORKA:
xanuunkan waxaa sababa xasaasiyadda ay dadka qaar u leeyihiin sanboorka. qofka xasaasiyadda marka uu lakulmo sanboorka, nidaamka difaaca jirkiisu waxa uu soo daayaa unugyo la yiraahdo ** histamines** oo keena xasaasiyadda iyo calaamadaha kale ee kor ku xusan.
DAAWEYNTA XANUUNKA SANBOORKA:
daaweynta xanuunka sanbuurka waxay ku xiran tahay baaxadda xasaasiyada iyo sida ay u saameyso qofka. waxaana ka mid ah:
1: # ka hortagga sanborka#
- isticmaalka maaskiga marka la joogo meelaha boorka ku badan yahay.
- ka fogaanshaha alaabta guryaha ku uruusisa boorka sida roogagga, buste fara badan, iyo alaabta alaabta lasaaro.
- ilaalinta nadaafadda guriga iyo hawo-siinta wanaagsan.
2: # daawooyinka ka hortaga xasaasiyadda #
- * anti-histamines*: daawoyinka ka hortaga oo joojiya soo saarista histamines-ka jirka, sida loratadine ama cetirizine.
-* corticosteroids-ka sanka*: daawooyin lamariyo anka si ay yurayso bararka sanka, sida fluticasone.
-* nasal decongestants*: daawooyin caawiya yaraynta ciriiriga sanka, balse waa in laga digtoonaadaa isticmaalka muddada dheer.
3: # daweynta xasaasiyadda (immunotherapy)#
- waa daaweyn loogu talagalay in jirka lagu baro inuu u adkaysan karo sanboorka, waxaana laqaataa cirbado ama kaniiniyo yar yar oo sanboorka ah muddo dheer si uu tartiib tartiib jirka ugu adkaysto sanboorka.
4: # qalabka neesashada ( inhalers)#
- qofka qaba neefta (asthma) waxaa laga yaabaa inuu u baahdo inhaler si loo fududeeyo neefsashada.
Haddii calaamadaha xanuunka sanboorka ay aad u kacsanyihiin ama ay saameyn ku yeeshaan noloshaada maalinlaha ah, waxaa haboo in aad la rashato dhakhtar si loo helo daaweyn ku haboon.
No comments:
Post a Comment