Sunday, June 8, 2025

Maxaa Keena Walwalka Xilliga Imtixaanka?

 walwalka (anxiety) xiliga imtixaanka waa dhibaato maskaxeed oo si gaar ah uga muuqata ardayda inta lagu jiro ama ka hor imtixaanka. Waa arrin caadi ah oo saamayn karta qof walba, balse haddii uu bato wuxuu hoos u dhigaa waxqabadka, xasuusta, iyo kalsoonida nafta. Waxaa jira sababo badan iyo xalal wax ku ool ah oo cilmiyeed.


Maxaa Keena Walwalka Xilliga Imtixaanka?

1. Cabsi laga qabo guuldarro

Ardaygu wuxuu dareemayaa inuu fashilmi karo ama uusan gaari doonin heerka la rabo, taasoo abuureysa culays weyn.

2. Diyaargarow la’aan

Haddii ardaygu si fiican isugu diyaarin waayo imtixaanka, maskaxdiisu waxay dareemaysaa in halis lagu jiro.

3. Cadaadis bulsho iyo mid qoys

Marka waalidiin ama bulshada ay filasho sare ka qabaan ardayga, wuxuu dareemayaa culays iyo cabsi laga qabo in la niyad jabiyo.

4. Habka waxbarasho ee aan habboonayn

Inuu ardaygu wax ku barto qaab aan ku habboonayn fahamkiisa ama hab-dhaqankiisa waxbarasho waxay keeni kartaa niyad jab iyo walwal.

5. Kalsooni darro nafeed (low self-esteem)

Marka qofku aaminsan yahay inuusan ku filnayn ama uusan wax baran karin si wanaagsan, walwalka ayaa kordha.

6. Xusuus xumo ama waxaa dhib ku ah qabashada xogta

Dad badan waxay sheegaan in maskaxdoodu "maran tahay" marka ay fadhiyaan imtixaanka, taasina waxay la xiriirtaa walwalka.

Xalka iyo Sida Loo Yareeyo Walwalka Imtixaanka

1. Diyaargarow Wanaagsan

sameyso jadwal waxbarasho oo joogto ah.
U Baro si tartiib tartiib ah halkii aad isku dayi lahayd inaad wax walba hal mar ku baratid (avoid cramming).
Ku celceli imtixaanka hore (past papers) si aad ula qabsato qaabka su’aalaha.

2. Hab-Nololeed Caafimaad Qaba

Hurdo kugu filan (7–8 saacadood habeenkii).
Cunto caafimaad leh, cabitaanka iyo biyo kugu filan.
Jimicsi fudud (sida socod) wuxuu yareeyaa cadaadiska dhiigga iyo cortisol-ka (hormoonka walwalka).

3. Hab-Dhaqan Maskaxeed (Mental Techniques)

Isticmaal techniques sida:
Deep breathing (neefsasho qoto dheer).
Positive self-talk – Is xasuusi inaad karti leedahay oo aad diyaar u tahay.
Visualization – Isku sawir inaad ku guulaysatay imtixaanka, taasoo kor u qaadaysa kalsoonida.

4. Kalsooni Nafta Ah

Ku dadaal inaad barato waxyaabaha aad si fiican u taqaanid si aad u dareento guul iyo horumar.
Ka fogow isbarbardhigga naftaada iyo ardayda kale — qof walba wuxuu leeyahay xawaare iyo hab-barasho u gaar ah.

5. La Hadal Qof Kalsoon

Haddii walwalka kugu bato, la hadal macallin, saaxiib, ama qof takhasus leh sida psychologist ama counselor.
Wadaagista dareenka waxay yareyn kartaa culayska maskaxeed.

6. Hab Waxbarasho Kala Duwan

Isticmaal flashcards, mind maps, group discussions, iyo barnaamijyo casri ah sida apps waxbarasho si aad u yareyso culayska barashada.

Gunaanad

Walwalka imtixaanku waa xaalad dabiici ah, balse haddii aan la xakameyn wuxuu wax u dhimayaa waxbarashada iyo caafimaadka maskaxda. Xalka ugu muhiimsan waa diyaargarow dhab ah, hab nololeed caafimaad leh, kalsooni nafeed, iyo fahamka in imtixaanku yahay qeyb ka mid ah barashada, ee uusan ahayn cabsi joogto ah.

Thursday, August 22, 2024

MUXUU YAHAY SANBOORKA?

 sanboorka waa xaalad caafimaad oo laxiriirta dareenka xasaasiyadda ee qofka marka uu la kulmo  sanboor ama boor.

sanboorka waxaa sidoo kale loo yaqaanaa (dust allergy), waa xaalad caafimaad oo ku timaada marka nidaamka difaaca jirka ee qofku si xad-dhaaf ah ugu jawaabo sanboorka ama boorka ku jira hawada. sanboorka waxa uu ka koobanyahay qeybo yar yar oo ka mid ah wasakhda hawada sida urta dhirta, haraaga cayayaanka ama xayawaanada, wasakhda, iyo bakeeriyada.

CALAAMADAHA ANUUNKA SANBOORKA

calaamadaha ugu caasan ee xanuunka sanboorka waxaa ka mid ah:

- hindhiso badan oo joogto ah

- sanka oo dareero badan ka yimaado

- sanka oo cuncun iyo xanuun joogto ah leh

-  cune anuun 

- indho cuncun iyo indho casaan

- neef qabatin iyo culeys la dareemo xilliga neefsashada, gaar ahaan dadka qaba neefta (asthma)

SABABAHA KEENA XANUUNKA SANBOORKA:

xanuunkan waxaa sababa xasaasiyadda ay dadka qaar u leeyihiin sanboorka. qofka xasaasiyadda marka uu lakulmo sanboorka, nidaamka difaaca jirkiisu waxa uu soo daayaa unugyo la yiraahdo ** histamines** oo keena xasaasiyadda iyo calaamadaha kale ee kor ku xusan.

DAAWEYNTA XANUUNKA SANBOORKA: 


daaweynta xanuunka sanbuurka waxay ku xiran tahay baaxadda xasaasiyada iyo sida ay u saameyso qofka. waxaana ka mid ah:

1: # ka hortagga sanborka#

    - isticmaalka maaskiga marka la joogo meelaha boorka ku badan  yahay.

    - ka fogaanshaha alaabta guryaha ku uruusisa boorka sida roogagga, buste fara badan, iyo alaabta alaabta lasaaro. 

    - ilaalinta nadaafadda guriga iyo hawo-siinta wanaagsan.

2: # daawooyinka ka hortaga xasaasiyadda #

    - * anti-histamines*: daawoyinka ka hortaga oo joojiya soo saarista histamines-ka jirka, sida loratadine ama cetirizine.

    -* corticosteroids-ka sanka*: daawooyin lamariyo anka si ay yurayso bararka sanka, sida fluticasone.

    -* nasal decongestants*: daawooyin caawiya yaraynta ciriiriga sanka, balse waa in laga digtoonaadaa isticmaalka muddada dheer.

3: # daweynta xasaasiyadda (immunotherapy)#

    - waa daaweyn loogu talagalay in jirka lagu baro inuu u adkaysan karo sanboorka, waxaana laqaataa cirbado ama kaniiniyo yar yar oo sanboorka ah muddo dheer si uu tartiib tartiib jirka ugu adkaysto sanboorka. 

4: # qalabka neesashada ( inhalers)#

    - qofka qaba neefta (asthma) waxaa laga yaabaa inuu u baahdo inhaler si  loo fududeeyo neefsashada.

Haddii calaamadaha xanuunka sanboorka ay aad u kacsanyihiin ama ay saameyn ku yeeshaan noloshaada maalinlaha ah, waxaa haboo in aad la rashato dhakhtar si loo helo daaweyn ku haboon.

Friday, August 16, 2024

WAA MAXAY FURUQA DAANYEERKA?


furuqa daanyeerka waa cudur fayras ah oo uu keeno fayraska (monkeypox),  kaasoo xubin ka ah fayraska orthopoxvirus ee qoyska poxviridae. wuxuu lamid yahay furuqa laakiin wuu ka dhib yaryahay. cudurkaan waxaa ogaaday shaybaarka daanyeerada sanadkii 1958-kii, sidaas ayaana magaca loogu bixiyay, laakiin kaydka aasaasiga dabiiciga ah ayaa larumaysanyahay inuu yahay jiirka iyo naaslayda kale ee yaryar.

calaamadaha furuqa daaneerka 

badanaa waxaa lagu arki karaa calaamadahaan soo socda 

  1. xumad
  2. madax xanuun 
  3. murqa xanuun 
  4. dhabar xanun
  5. qanjira xanuun
  6. qarqaryo
  7. daal
  8. finan

finanka ayaa inta badan ka bilowda wajiga kadibna ku faafa qeybaha kale ee jirka, gaar ahaan calaacalaha gacmaha iyo cagta cad. wuxuu soo maraa heerar kala duwan oo is badbadal ahka hor inta uusan qofka ka dhamaan. 

sidee la iskugu gudbuyaa xanuunkaan?

cdurkaan waxa uu dadka ku dhacaa marka uu xiriir dhaw layeesho qofka xayawaan ama qof qaba xanuunka. tan waxaa kamid ah taabashada dareerayaasha jirka, dhibca neefsashda, ama walxaha kasoo baxa finanka. waxaa kale oo lagu kala qaadaa taabashada walxaha wassaqaysan, sida gogosha ama dharka. gudbinta qof-ka qofku waxay ku timaadaa xiriir fool ka fool ah oo dheer, taabashada tooska ah ee dareeraha jirka, ama taabashada aan tooska ahayn ee walxaha wasakhaysan.

mudada xanaanaynta

xiliga caabuqa ( waqtiga caabuqa  ilaa calaamadaha ) ee cudurkaan badanaa waa 7 ilaa 14 maalmood lakiin wuxuu u dhexeeyaa 5 ilaa 21 maalmood.

daaweynta iyo ka hortaga 

ma jirto daaweyn gaar a oo loogu talagalay furuqa daanyeerka. si kastaba ha ahaatee astaamahu waxay inta badan iskood ugu baaba,aan 2ilaa 4 isbuuc gudahood. daryeel in loo sameeyo qofka sida fluid management iyo daaweynta heerka labaad ee bacteeriyada ayaa

muhiim ah. talaalka furuqa ayaa la ogyahay inuu siiyo qofka xoogaa ka horta u ah monkeypox, iyo daawooyinka fayraska sida tecovirimat (TPOXXO) ayaa laga yaabaa in loo isticmaalo xaaladaha daran.

xaaladihii ugu danbeeyay 

waxaa bartamaha sanadka 2024 so baxay kiisas cusub oo ku fidaya dunida oo meelo badana laga soo sheegay kiisas cusub iyo calaamada cudurkaaan.

hasanadihii lasoo dhaafay, waxaa kordhay kiisaska xanuunkaan ee ka baxsan afrika, gaar ahaan 2022, markaasoo koox kiisas ah laga so sheegay dalal dhowr ah, oo ay ku jiiraan yurub iyo waqooyiga ameerika. tani waxay keentay in la kordhiyo wacyiga caafimaadka bulshada iyo horumarinta xeeladaha tallaalka si loo xakameeyo cudurada dilaaca.

jawaabta caafimaadka dadweynaha

si looga jawaabo faafitaanka cudurka, mas`uuliyiinta caafimaadku waxay xooga saarayaan muhiimada ay leedahay in goor hore la ogaado, karaantiilka dadka qaba, raadinta dadka ay xiriirka lasameeyeen, iyo talaalka dadka khatarta sare leh. ololayaasha caafimaadka dadweynaha ayaa sidoo kale diirada saaraya in dadka laga wacyi galiyo khatarta iyo siaabaha lagu dhimi karo gudbinta, gaar ahaan meelaha uusan farayska caadi ahaan ku fidin.

https://goodir20.blogspot.com/2024/08/waa-maxay-nafaqo-xumo.html

Thursday, August 15, 2024

waa maxay nafaqo xumo?

 Nafaqo-xumadu waa xaalad soo baxda marka jiku aanu helin qadarka saxda ah ee nafaqada uu u baahan yahay si loo ilaaliyo unugyada caafimaadka qaba iyo shaqada xubnaha. 

xaaladahaas waxaa ka mid ah sida (undernutrition, overnutrition and micronutrient deficiency diseases( like vitamin A deficiency, iron deficiency anemia, iodine deficiency disorders and zinc deficiency)).

Nafaqo-xumadu waxay inta badan saamaysaa dadka qaybahan soo socda:

Dhallaanka iyo carruurta uurka ku jirka ilaa laba (2) sano 

• Carruurta aan naaska nuujin

• Haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya

• Dadka la ildaran cudur daba-dheeraada ama faafa

• Dadka cunno yarida haysato

Noocyada nafaqo-xumada

a) Undernutrition(nafaqo darro)

Tani waa nafaqo yaraan ka dhalatay qaadashada cunto aan ku filnayn 

ama awood la'aanta jidhku inuu beddelo ama nuugo cuntada.

Undernutrition ka  waa nooca ugu caansan uguna fudud ee la arki karo ee

nafaqo darro. waxayna inta badan kutimaadaa laba nuuc: acute(ba,an) ama chronic(raaga)

1) Acute malnutrition

Nafaqo-xumada ba'an waxay ku dhacdaa waqti gaaban waxayna keeni kartaa

muruqha oo dhamaada. Marka uu daran yahay, waxaa lagu arki karaa soo muuqashada lafaha iyo/ama bararka labada cagood.

2) Chronic malnutrition:

Dhererka ubadku waa mid ka mid ah tilmaamayaasha ugu muhiimsan ee muujinaya caafimaad qabkiisa. Dhererku waxa uu ka tarjumayaa wadarta guud ee caafimaadka nolosha hore iyo cudurada. 

Dhibaatooyinka carruurta ka ilaaliya inay dherer ahaan ukoraanwaxay sidoo kale Ka ilaali inay noqdaan dad waaweyn oo caafimaad qaba, wax soo saar leh, caqli badan. Nafaqo-yarida daba dheeraatay ee saameeya carruurta laga bilaabo uurka ilaa 5 sano jir waxay saameeyaan koriimadooda iyo waxayna keenaysaa hoos u dhaca koritaanka dhererka (da'da oo uu ka gaato). Nafaqo-xumo daba-dheeraatay waxaa sabab u ah la'aanta muddada dheer ee nafaqooyinka/cuntooyinka ku habboon caruurta.

b) Micronutrient malnutrition (lack of minerals and vitamins)

Nafaqo-darrada noocaan ah waxaa loo yaqaan "gaajo qarsoon;" waxaana sabab u ah cunid la'aanta cuntada leh cusbada macdanta ah iyo fiitamiinnada taasoo horseedda fitamiin yaraanta macdanta (VMDs). Noocan nafaqo-xumada ah si fudud looma aqoonsan karo marka laga reebo marxaladaha hore marka ay calaamadaha caafimaadku soo baxaan.

Macdanta iyo fiitamiinnada ayaa jidhku uga baahan yahay tiro aad u yar; 

waxay aad muhiim ugu yihiin ka ilaalinta jirka caabuqyada. Caadiyan, 

Maqnaanshahooda cuntada ma keento in qofku "gaajo dareemo."

c) Overnutrition

Tani waa qaadashada nafaqooyinka xad dhaafka ah ee cuntooyinka muddo cayiman waxayna dadka ku keentaa caafimaad xumo. Nafaqeynta xad dhaafka ah waxay keentaa miisaan xad dhaaf ah, cayil. Nafaqada xad dhaafka ah waxaa sababi kara mid kasta arrimahan soo socda:

• Eating habits (cunista xad dhaafka ah)

• Health conditions(Xaaladaha caafimaadka)

• Qaadashada(dietary supplements) kaabis cunto oo badan oo aan la qorin

• Lack of physical activity(Dhaqdhaqaaq la'aanta jirka)

• Arrimaha nafsiga ah (stress)

• Arrimaha deegaanka (cuntooyinka aan badbaadada lahayn, tusaale, heavy metals in food, peer pressure)

• Daawooyinka

•Genetic factors (hidda-socodka)

Maxaa Keena Walwalka Xilliga Imtixaanka?

  walwalka (anxiety) xiliga imtixaanka waa dhibaato maskaxeed oo si gaar ah uga muuqata ardayda inta lagu jiro ama ka hor imtixaanka. Waa ar...